Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo soo saaray go’aan cusub oo la xiriira masaafada gantaallada dalkiisu farsameeyo

Axmad Bakhshash Ardestani, oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisu uu qaaday dhammaan xayiraadihii hore ee la saaray “masaafada gantaallada nooca ballistic-ga ee Iiraan,” gaari karaan, isagoo xusay in “go’aankaas lagu gaaray oggolaanshaha Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatullahi Cali Khameyni” xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil.

Ardestani oo arrimahan ka hadlayay ayaa yiri: “Hogaamiyaha Sare wuxuu hore ugu xaddiday masaafada gantaallada ilaa 2,200 kiiloomitir sababo gaar ah awgood, balse dhammaan xayiraadahaa hadda waa la qaaday,” isagoo intaas ku daray in Iiraan ay sii wadi doonto horumarinta barnaamijkeeda gantaallada “illaa heer kasta oo ay u aragto inuu lagama maarmaan u yahay amniga qaranka.”
Masuulkan reer Iiraan ayaa carrabka ku adkeeyay in Tehran “aysan aqbali doonin wax xadeyn ah oo lagu sameeyo awooddeeda gantaallada maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee difaaca Iiraan,” isagoo intaas ku daray in “Iiraan maanta ay tahay awoodda afraad ee dunida ee dhinaca gantaallada.”

Marka laga hadlayo wadahadallada lala leeyahay Maraykanka, Ardestani wuxuu sheegay in dalkiisu “uusan bilaabi doonin wax wadahadal ah lixda bilood ee soo socota,” isagoo sheegay in “haddii dowladda ay maareyso xaaladda dhaqaale oo ay xakameyso mudaharaadyada gudaha, reer galbeedku ay ku qasbanaan doonaan inay soo jeediyaan dalab wadahadal mar kale.”
Ardestani oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “mas’uuliyiinta reer galbeed waxay aaminsan yihiin in dib u hawlgelinta nidaamka deg deg u soo celinta cunaqabateynta Qaramada Midoobay uu keeni doono hoos u dhac nolosha bulshada iyo kororka caro shacabka ka timaada oo wadooyinka u soo baxda, balse haddii saadaashaasi ay fashilanto, caasimadaha reer galbeedku waa inay beddelaan mowqifkooda ku aaddan Tehran.”

Xildhibaanka Iiraan ayaa tilmaamay in shuruudaha ay Washington ku xirtay dib u bilaabidda wadahadallada ay yihiin “kuwa aan la aqbali karin,” isagoo sharaxay in dalabaadka Maraykanku ay ka mid yihiin “joojinta naaxinta uranium-ka, xaddididda barnaamijka gantaallada, joojinta taageerada kooxaha u janjeera Iiraan ee gobolka, iyo wadahadallo toos ah oo dhexmara Mareykanka & Iiraan.”

“Aqbalidda shuruudahaas waxay la mid tahay is-dhiibid kahor intaan wadahadalba la bilaabin” ayuu yiri Axmad Bakhshash Ardestani, oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan.
Mar uu ka hadlayay dhaqaajinta nidaamka dib u soo rogista cunaqabateynta, xildhibaanka Iiraani ah wuxuu sheegay in Yurub “ay noqotay aalad gacanta Maraykanka ku jirta,” isagoo intaas raaciyay in cadaadiska Washington ee Midowga Yurub uu sababay in nidaamkaas la dhaqaajiyo, inkasta oo Iiraan iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ay gaareen heshiis ay dhex-dhexaadisay Masar.

Marka laga hadlayo faylka nukliyeerka, Ardestani wuxuu sheegay in Tehran aysan ka bixi doonin Heshiiska Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerkan ee looo yaqaan NPT, isagoo carabka ku adkeeyay in “Iiraan aysan doonayn inay soo saarto bam nukliyeer ah, balse ay ujeeddadeedu tahay ballaarinta isticmaalka tamarta nukliyeerka ee dhinacyada caafimaadka, beeraha, dawooyinka iyo deegaanka.”
Wuxuu ugu baaqay Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iiraan inay “kordhiso daahfurnaanta oo ay shacabka ku wargeliso guulaha nukliyeerka si ay bulshada u fahanto in hawlahaas aysan ahayn kuwo ciidan oo keliya, balse ay si togan u saameyn karaan nolosha maalinlaha ah.”

Marka laga hadlayo xiisadda Israa’iil, xildhibaanka Iiraan wuxuu sheegay in suuragalnimada dagaal cusub oo ka qarxa labada dhinac ay “hadda hooseyso,” isagoo xusay in jawaabtii Iiraan ee dagaalkii 12-ka maalmood socday ay ahayd “jawaab cad” oo Israa’iil la siiyay, inkasta oo Iiraan ay khasaare la kulantay.
Wuxuu raaciyay: “Jawaabta gantaallada Iiraan waxay dhaawac weyn u geysatay nidaamyada difaaca cirka ee Israa’iil.”

Ardestani wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Iiraan ay tahay inay aqbalaan in ay “ku jiraan colaad socotay in ka badan 47 sano, iyadoo midkoodna uusan awoodin inuu meesha ka saaro kan kale,” isagoo intaas ku daray in “la gaaray waqtigii la heli lahaa qaab dhab ah oo wada noolaansho ama iskaashi lagu gaari karo.”
Wuxuu xusay in Iiraan ay tahay “inay u dhaqdhaqaaqo Trump ka dib, si kasta oo ay suurtogal tahay,” isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in si taxadar leh loola tacaalo siyaasadaha isbeddelka badan ee Washington ee ku wajahan Tehran.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed