Rwanda iyo Soomaaliya oo xoojinaya iskaashiga milatariga ee labada dal

Wafti ka socda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo lix maalmood qaadan doonta uu ku tagay dalka Rwanda. Waftigan ayaa waxaa la socda saraakiil sare oo ay ku jirto Lt. Col. Iimaan Elmaan, oo ah madaxa waaxda iskaashiga rayidka iyo milatariga ee CXDS.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya ciidamada labada dal ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo la isweydaarsanayo waayo-aragnimooyin iyo nidaamyo hay’adeed oo ku saabsan dib-u-habaynta amniga iyo ka soo kabashada colaadaha.

Wasaaradda Difaaca ee Rwanda ayaa waftiga Soomaaliyeed ku soo dhoweysay xarunta ciidamada difaaca ee ku taalla Kimihurura, halkaas oo S/Guuto Odawaa Yusuf Raage uu kulamo kula yeeshay Wasiirka Difaaca Rwanda, Juvenal Marzamonda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Rwanda, Jen. M.T. Blessed.
Wadahadallada ayaa lagu lafa-guray arrimaha amniga gobolka iyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga milatari ee labada dal, xilli ay Dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto dardargelinta dib-u-habaynta waaxda amniga iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka.

Intii uu socday safarka, waftiga Soomaaliya waxay booqdeen dhowr hay’adood oo hoos yimaada Wasaaradda Difaaca ee Rwanda, sidoo kale waxay tageen madxafka “Ololaha ka dhanka ah Xasuuqii” iyo goobta xusuusta dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagula kacay dadka Tutsiga, halkaas oo ay ubax dhigeen si ay u muujiyaan tacsida iyo ixtiraamka ay u hayaan dhibbanayaasha. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida labada dal ay u wadaagaan isu-soo-dhawaanshaha, dib-u-heshiisiinta, iyo dhismaha nabadda.

Booqashada taliyaha ciidamada Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Soomaliya ay dardar gelinayso isbeddellada dib-u-habaynta amniga, gaar ahaan ka dib markii Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo keeneysa waajibaad iyo iskaashi amni oo la wadaago dalalka gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed