Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad ay martigelinayso Caasimadda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlayo xoojinta is-dhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalalka gobolka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa muujiyey qiimaha iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay martigeliso shirkan, taas oo uu ku tilmaamay astaanta kalsoonida iyo doorka cusub ee Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) tan iyo markii ay dalka si rasmi ah ugu biirtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaateen maalgelinta dhinacyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo adeegyada bulshada, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan ganacsigooda iyo kaalintooda dhaqaale ee gobolka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn waxa ay ka yimaadeen Dalalka Bariga Afrika, maanta in ay Soomaaliya kasii mid noqoto adduunyada sii socota waa u muhiim.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa jaamacadaha dalka ku booriyay in ay hormariyaan barashada Af-Sawaaxiliga, luuqadda rasmiga ah ee ay isticmaalaan dhammaan dalalka ku jira ururka Bariga Afrika, si ay ardayda Soomaaliyeed ugu fududaato is-dhexgalka iyo ganacsiga gobolka.

Shirka oo markii labaad lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay, waxaana lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa ka qeybgalka Soomaaliya ee arrimaha dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed