Waxaa soo baxaya faahfaahino kala duwan oo ku saabsan qaraxii iyo weerarkii hubeysnaa ee galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday Godka Jilacow – xabsi si weyn loo ilaaliyo oo hoos taga hay’adda sirdoonka ee NISA, kuna yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Qarax gaari oo xooggan ayaa lagu weeraray bar kontorool oo aan ka fogayn godka Jilicow, waxaana markiiba xigay dagaal culus oo ay xabsiga ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen rasaas xooggan oo gudaha ka dhacaysa, halka muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ay muujiyeen qiiq cirka isku shareeray.
Ilaa hadda lama oga tirada dagaalyahannada gudaha u galay iyo in maxaabiis la sii daayay iyo in kale.
Godka Jilacow wuxuu muddooyinkii la soo dhaafay ahaa xarunta istiraatiijiga ah ee lagu hagayo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee gobollada dalka, wuxuuna ka mid yahay goobaha ugu ilaalinta adag caasimadda.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha weerarka, waxaana dowladda Soomaaliya oo war ka soo saaray ay sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA.
DFS ayaa sheegtay in weerarka Alshaabab ku soo qaaday gaari loo ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda NISA.
Warka oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday”
Kooxda Alshabaab ayaa hore u sheegatay mas’uuliyadda weeraro isku dhafan oo la mid ah kan maanta dhacay, kuwaas oo lagu bilaabay qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna lagu fuliyey weerarro toos ah.
Weerarka ayaa dhacay xilli dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday maanta in la furay waddooyin xirnaa in ka badan 15 sano, taas oo u muuqatay in si weyn loo fududeeyey isu socodka caasimadda.
HBN ONLINE TV