Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn cirka ah laga fuliyey deegaan lagu tuhunsan yahay kooxda Daacish ee Buuraleyda Golis, qiyaastiina 60km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo lala kaashaday ciidamada Soomaaliya, uu ujeedkiisu yahay in la wiiqo awoodda ISIS-Soomaaliya si aanay u halis gelin Maraykanka, ciidamada iyo muwaadiniintiisa.
“Duqeynta cirka ah waxay ka dhacday agagaarka Buuraha Golis, qiyaastii meel 60km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. AFRICOM, oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadata tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda ISIS-Soomaaliya si aysan khatar ugu noqon gudaha Mareykanka, ciidamadiisa, iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.
Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, hase yeeshee AFRICOM waxay xaqiijisay in tallaabadan ay qayb ka tahay howlgalka joogtada ah ee lagula dagaallamayo waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo lala kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida.
AFRICOM waxay ballanqaaday in ay sii wadi doonto la shaqeynta Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka iyo ilaalinta danaha caalamiga ah.
HBN ONLINE TV