Wargeyska ayaa warbixintiisa ku bilaabay dagaalka xiga wuxuu noqon karaa mid ka sii daran kii hore oo dhiig badan ku daato, fursadda dagaal noocaas ahna way sii kordhaysaa maadaama dadaallada diblomaasiyadeed ay ku dhammaadeen meel cidlo ah.
Wargeysku wuxuu bixiyay digniin oo wuxuu leeyahay Israa’iil waa inaysan yaraysan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii cashar ah laga baranayo wixii dhacay, waa in nidaamka Iiraan uu ka xoog badan yahay intii dad badani rumaysnaayeen.
Kadib dagaalkii 12-maalmood ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan, dad badan oo Israa’iiliyiin ah waxay aaminsan yihiin aragti ah in Israa’iil “guuleysatay.” Isla markaana Iran si adag ayaa loo garaacay, guulaha milatari ee Israa’iilna waxay sababeen in Tehran aan mar dambe loo tixgelin dawlad gaari karta hee nukliyeer ah.
Laakiin xitaa gudaha Iiraan, sheekada ah in ay guul gaareen ayaa xididdo sii yeelatay. Inkasta oo qofna uusan diidin in Israa’iil guulo waaweyn ka gaartay, mas’uuliyiintu waxay tilmaamayaan badbaadada nidaamka iyo soo kabashadiisa degdegga ah – oo ay ku beddeleen saraakiishii la dilay 24 saacadood gudahood – inay caddayn u tahay adkeysigooda. Iyaga oo rumaysan xaqiiqda ah inay la dagaallameen Israa’iil iyo Mareykanka si toos ah waa guul weyn.
Ha yaraysan dareenka guusha ee Iran
Wargreyska Israel Hayom oo warbixintiisa sii wada wuxuu leeyahay, dareenkaas guusha ah waa in aan la fududeysan. Maadaama wadaxaajoodkii nukliyeerka uu istaagay, oo sii adkaaday kadib markii dalalka Yurub ee loo yaqaan E3 ay dhaqaajiyeen nidaamka “dib u soo celinta deg degg ah” oo dib loo soo celiyay dhammaan cunaqabatayntii 2015, Iiraan waxay u muuqataa inay qabin cabsi wayn oo la xiriirta dagaal kale. Hoggaamiyeyaasheedu waxay rumaysan yihiin inay gaari karaan guulo ka baaxad wayn kuwii hore.
Tehran weli waxay doorbidaysaa dariiq diblomaasiyadeed oo horseedi kara in cunaqabataynta laga qaado. Laakiin iyadoo mowqifka reer galbeedku uu u muuqdo “dalab isdhiibid ah,” hoggaanka Iiraan wuxuu aqoonsan yahay in xiisad milatari uu noqday mid aad u suuragal ah. Tani waxay si gaar ah run ugu tahay iyadoo Israa’iil marar badan ku hanjabtay weerarro cusub haddii Iiraan isku daydo inay dib u dhisto awooddeeda, gaar ahaan dhinaca nukliyeerka.
Iyadoo casharro laga bartay khaladaadkii hore, Iiraan hadda waxay diiradda saaraysaa horumarinta keydkeeda gantaallada iyo adkaynta difaacyadeeda.
Warbixino ku saabsan tijaabooyinka gantaallada iyo hadalo Israa’iil u aragto faan ayaa ka imanaya saraakiil sare, hadalladaasi oo ku saabsan nidaamyo cusub ayaa ku dhowaad maalin kasta la siidaayaa, iyadoo hoggaamiyeyaasha Iiraan waxay sheegayaan inay weerar horudhac ah qaadi doonaan haddii ay rumaystaan in Israa’iil ay weerar ku dhowdahay weerar ay soo qaado. Waxay sidoo kale ka shaqaynayaan inay helaan nidaamyada difaaca hawada ee horumarsan ee Ruushka & Shiinaha si ay u beddelaan kuwii ku burburay dagaalkii hore.
Diyaargarowga Iran, taageerada Mareykanka
Wargeyska Israel Hayo, wuxuu leeyahay hawlgalka Israa’iil ugu magac dartay “Liibaax soo kacaya,” waxay haysatay faa’iidooyin yaab lama filaan leh, iyadoo adeegsatay awood milatari oo casri ah oo dhirbaaxo culus ku dhufatay nidaamka Ayatollah, iyadoo ku tiirsan Mareykanka oo siiyay taageero milatari oo aan horay loo arag. Washington waxay xitaa ku soo daadgureysay Israa’iil nidaamyada difaaca gantaalka THAAD oo qiimahoodu yahay $ 800 oo milyan oo doolar si ay u sugto amniga Israa’iil.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Israa’iil laga yaabaa inaysan ku raaxaysan xaalado noocaas ah mar kale. Haddii Iiraan ay weerar ku saleysan qalad xisaabeed ay sameyso ama Israa’iil ay bilowdo weerar kale, diyaar garowga Iiraan wuxuu noqon doonaa heer kale, iyadoo Madaxweyne Donald Trump mashquul ka yahay dhibaatooyin kale, laga bilaabo Venezuela ilaa duullaanka Ruushka ee Ukraine, lama hubo inta taageero ah ee Mareykanku siin doono Israa’iil mar kale.
Marka la isku daro diyaar garowga Iiraan iyo shakiga ku saabsan ka qaybgalka Mareykanka ee dagaal kale wuxuu Israa’iil gelin karaa caqabado ka weyn kuwii hore iyadoo uu jiro shakiga in Washington u heellan tahay sidii hore, waxaa la isweydiin doonaa sida loo joojin karo dagaal mustaqbalka iyo sida looga fogaado in la galo dagaal jiitama oo khasaaro culus ku keena Israa’iill marka loo eego Iiraan oo leh dhul baaxad dhul oo weyn iyo waayo-aragnimo dagaalkii 1980–88 ay la gashay Ciraaq.
Wargeysku wuxuu leeyahay wax walba waxaa ka sarreeya waxaa taagan & su’aasha ujeedada dagaalka ee ah— maxaa dhab ahaantii laga doonayaa dagaalka kale, gaar ahaan iyadoo la og yahay in duqeymo hawada oo keliya aanay awoodin inay meesha ka saaro nidaamka Tehran.
Xiisad gaartey heerkii ugu sarreeyey
Haddii dagaalkii dhowaan dhacay Israa’iil wax ka bartay, waa in nidaamka Iran uu ka adkaysi badan yahay sida uu u muuqdo. Ma jiraan “cid sugaysa” inay beddelaan Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei xitaa haddii la dilo.
Dhinaca nukliyeerka, waxaa shaki ku jira in dagaal kale uu dhaawac joogto ah gaarsiin karo xarumaha kobcinta nukliyeerka ee Iiraan. Dagaal noocan ah ma tirtiri doono aqoonta ay leeyihiin saynisyahannada Iiraan ama agabka nukliyeerka ee hore loo kaydiyay, taasoo ka dhigaysa Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan oo weli awood u leh inay u dhaqaaqdo sameynta bam nukliyeer haddii ay rabto.
Haddii dagaalka xiga uu ka bilowdo meeshii kii hore ka dhammaaday, wejiyada hore waxay noqon doonaan kuwo aad u xoog badan. Iiraan waxay u badan tahay inay isla markiiba adeegsan doonto awoodaha loogu talagalay inay khasaare culus gaarsiiyaan gudaha Israa’iil.
Burburka dadaallada diblomaasiyadda, go’aanka Tehran ee ah inay dib u soo celiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyo diyaar garowga cad ee Israa’iil ee weerar kale waxay xiisadda gaarsiiyeen heerkii ugu sarreeyay. Halista xiisadu waa mid dhab ah, Iiraanna waxay u muuqataa inay ka sii diyaar garow badan tahay sidii hore.
Xitaa haddii Israa’iil ay sii yeelato awoodda milatari, gaar ahaan hawada, su’aashu waxay tahay: maxaa dhab ahaantii dagaalka noocan ah lagu gaari karaa? iyadoo ay u badan tahay inuu si fudud u xumaado xaalku oo uu isu beddelo dagaal jiitama oo dhibkiisu ka badan yahay kii hore?
HBN ONLINE TV