Soomaaliya ayaa dalbaday taageero degdeg ah iyo go’aan ka yimaada Qaramada Midoobey si xal loogu helo xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan Sudan.
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa ka qaybgalay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday Golaha Guud ee Qaramada Midoobey (UNGA80) ee magaalada New York, halkaasoo diiradda lagu saaray xaaladda adag ee ka jirta Sudan.
Cali Balcad ayaa sheegay saameynta ba’an ee colaadaha ku yeesheen Suudaan shacabka rayidka ah, dadka barakacay, iyo shaqaalaha gargaarka, isagoo ku baaqay in si degdeg ah tallaabooyin caalami ah loo qaado, isagoo xusay Qaraarka Golaha Amniga ee 2736 iyo Heshiiska Jeddah in la qaado.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Soomaaliya taageerto madax-bannaanida iyo midnimada Sudan, isla markaana ku boorriyay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey inay hubiyaan in gargaar bini’aadantinimo si fudud loo gaarsiiyo dadka baahan, ayna ka shaqeeyaan xasiloonida gobolka, isaga oo tusaale u soo qaatay waayo-aragnimada Soomaaliya ee colaadaha.
HBN ONLINE TV