Somaliland oo badda ka qabtay dooni Yemen laga lahaa

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa shaaciyey inay ku guuleysteen soo badbaadinta doon kaluumaysi oo laga lahaa Yemen, taasoo ku xumaatay biyaha dalka Jibuuti.

Doontan ayaa muddo 12 maalmood ku xayirneyd biyaha u dhexeeya Jibuuti, Yemen, iyo Somaliland, kadib markii ay ka shiraacatay magaalada Saylac 15-kii bishan, sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Ciidamada Somaliland, Jibuuti, iyo Yemen ayaa lagu sheegay inay wada shaqeyn dhexmartay ka hor intan la soo badbaadin labadan qof iyo doonta, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in doontii laga helo meel 22 Mile u jirta waqooyiga magaalada Buluxaar.

Doontan iyo labada qof ee saarna ayaa si nabad ah ku gaaray magaalada Berbera, iyadoo labaduba caafimaad qabaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed