Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si adag uga hadlay dhacdadii ka dhacay degmada Wardhiigley ee Muqdisho, kaas oo uu ku tilmaamay “duulaan qaawan oo lagu soo qaaday ammaanka caasimadda.”
Muungaab ayaa ammaanay ciidamada ammaanka ee ku guuleystay inay xakameeyaan rabshadaha, isaga oo sheegay in kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi inay balaarato ka jor Mucaaradka laga soo abaabulay hoteel Jasiira, goob ay ku shiraan siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya DFS.
Guddoomiyuhu waxa uu ka garaabay dhacdadii lagu jirdilay Oday Siidow oo ahaa nin waayeel ah, isagoo sheegay in askartii ku lug lahayd la xiray.
Sidoo kale, Muungaab ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay “rag fashilmay, kuna dhacay siyaasadda oo ma-gudbayaal ah,” isla markaana ku eedeeyey inay jebiyeen xeerka xakamaynta hubka oo mamnuucaya masuuliyiinta inay wataan gaadiid hub culus saaranyahay iyo ciidamo badan.
“Siyaasiga maanta raba in xukun uu ku raadiyo xasarad iyo dhiig shacab daata, Muqdisho meeshaasi waa laga gudbay, maalinkasta ciid maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in maamulka dhulka caasimadda uu hoos yimaado dowladda hoose ee Xamar, islamarkaana aanay suuragal ahayn dhul muddo 30 sano burbursan sidiisa inuu iska ahaado, taasi bedelkeedane iyagu xaq u leeyihiin siduu ku andacooday inay maareeyaan arimaha dhulalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dhulkaasi loo adeegsan karo horumarinta bilicda magaalada iyo abuurista shaqo, isagoo ku adkeystay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda, sida Al-Shabaab, ay dhulka burbursan uga faa’iideysan karaan inay ku dhuuntaan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka uga digay inay ku kadsoomaan baaqyada mucaaradka, isagoo sheegay in aanay jiri Karin “mudo-horaad sharci ah oo ay ku baaqi karaan” xubnaha mucaaradka.
Siyaasiyiinya Mucaaradka ayaa iclaamiyeen in sabtida todobaadka dambe ay dhigi doonaan banaanbaxyo dhowr jiho ah, kuwaa oo soconaya muddo seddex maalin ah, balse duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyey in ciidamada ammaanka ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeeleeyaan nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.
“Anigoo ah guddoomiyaha ayaa ku amraya Ciidamada inay cidkasta oo Nabadda iyo xasiloonida magaalada ka jirto inay waxyeeleyso isku daydo in talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan. Meelay xukumaan ma jirto Siinaay iyo Tarabuun, meel loo calaamayn karo ma jirto, cidii u tagta, agtooda istaagta, iyadaa fowdada gacanteeda ku doonatay,” ayuu yiri Muungaab.
Go’aankan ka soo baxay mamaulka gobolka Banaadir iyo buuqa siyaasadda ee taagan ayaa noqonaya mid abuuraya cabsi iyo shaki hor leh, iyada oo falanqeyaashu qabaan in xiisadahaan taan ay kaalin ka qaadan karaan in fursado helaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo qalqal ku yimaado amniga Muqdisho.
HBN ONLINE TV