Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanay dalka Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 27 qof oo rayid ah lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay, kadib markii diyaaradaha drone-ka ee kooxda Maleeshiyada Gurmadka degdega ah (RSF) ay duqeyn ka fuliyeen magaalada Al Faashir ee gobolka Darfur.
Guddiga Isku Xirka howlaha Degdegga ee magaalada ayaa weerarka ku tilmaamay mid arxan darro ah, isagoo qayb ka ah xasuuqyo isdaba joog ah oo ay maleeshiyaadku maalin kasta ka geystaan magaalada. Weerarku wuxuu yimid maalin kadib markii ciidamada Suudaan ay ku dhawaaqeen in magaalada ay degan tahay, islamarkaana gacan buuxda ku hayaan ciidanka qalabka sida.
Jimcihii hore, RSF ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay duqeyn ku qaadeen masaajidka Al-Safiyah ee xaafadda Al-Idraj, meel u dhow xerada barakacayaasha Abu Shawk, taas oo sababtay dhimashada in ka badan 75 qof oo salaadda subax ku jiray.
Al Faashir ayaa muddo ku dhow 500 maalmood go’doon ku jirtay, iyadoo dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo RSF ay sababayeen dhimashada iyo dhaawaca kumannaan qof, iyo barakicinta in ka badan 500,000 oo dadka magaalada ah oo u qaxay magaalooyin iyo tuulooyin deris ah. Magaalada Al Faashir ayaa muhiim u ah siyaasadda, ciidanka iyo dhaqaalaha, iyadoo leh waddooyin sahay muhiim ah oo isku xira woqooyiga iyo galbeedka Darfur.
Xaaladdan ayaa ka dhacaysa xilli Suudaan uu ka socdo dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo RSF tan iyo bartamihii Abriil 2023, kaas oo sababay dhimashada kumanyaal kun oo qof iyo barakicinta in ka badan 15 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
HBN Online TV