Taliyihii Howlgelinta Ciidanka Howlgalka Calmiskaad ee Puntland ahna Taliyaha Guutada 2-aad & Ururka Duufaan, Janaraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab “Qalyare”, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin dowladeed.
Alle ha u naxariistee, Janaraalku waxa uu hore ugu soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, isaga oo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Awdal, kana mid ahaa saraakiishii waaya-aragga ah ee lagu xusuusto geesinimo iyo waddaniyad.
Maamulka Puntland oo ka hadlay geerida Taliyaha ayaa sheegay inuu la geeriyooday hal askari, waxayna tilmaameen in hadafkooda dagaalka uusan ka hor istaagi doonin sida hadalka u dhigeen dhagaha haraadiga kooxda Daacish.
Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Taliye Gen. Axmed Cabdi Cali (Qalyare) iyo Askariga ka tirsanaa illaaladiisa oo maanta ku shahiiday qarax ay aaseen firxadka Argagixisada Daacish, meel u dhow Dasaan – Calmiskaad. Dhagarta firxadku maleegayo ma naga baajinayso Hawlgalada socda, waxaana naga go’an in aan dhameystirno soo afjarida firxadka Argagixisada Daacish. Dhiiga shuhaadada Ciidankeenna wuxu ku suntanaan doonnaa taariikhda halganka Puntland ay Argagixisada uga ciribtireyso deegaannadeeda.” ayaa lagu yiri warka taliska howlgalka Puntland.
Janaraal Qalyare ayaa muddooyinkii dambe hoggaaminayay howlgallada ciidamada Puntland ee ka socda buuraha gobolka Bari, isagoo door muuqda ku lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.
Waxaa meelo kala duwan ka yimid fariimo tacsi ah oo loo diray maamulka Puntland iyo ehelada uu ku geeriyooday Marxuumka.
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland iyo Waqooyi Bari, isaga oo ku tilmaamay Janaraal Qalyare geesi naf-hur leh oo door weyn ku lahaa difaaca gobolka, laguna xusuusan doono waddaniyad iyo geesinimo.
Isha ku haay HBN ONLINE TV