Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ay 13-kii Sebtembar 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyeen agagaarka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Duqeynta ayaa lagu bartilmaameedsaday sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ganacsade hub oo ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo ka dhacay ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday ganacsade hub ka ganacsada oo ka tirsan Alshabaab 13-kii Sebtembar 2025. Duqeymaha cirka ayaa ka dhacay agagaarka Badhan, Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.
Sidoo kale, taliska ayaa hoosta ka xarriiqay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, si looga hortago sida hadalka loo dhigay khataraha ay ku hayaan Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda.
Dhanka kale, bayaankan ayaa ku soo adaaya, iyada oo Sabtadii magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag uu ku dhintay duqeyn cirka ah Caaqil Cumar Cabdillaahi, waxaana ka dhashay hadal heyn weyn oo gaartay in jawaabo bixiyaan DFS iyo Puntland.
Walaalka Marxuum Cumar oo habeenkii uu dhintay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax cilaaqaad ah walaalkiisa aanay kala dhexeyn sida uu hadalka u dhigay kooxaha bartilmaameedka ah sida Daacish iyo Alshabaab.
Magaalooyin badan oo gobolka ah ayaa ilaa Talaadadii todobaadkan waxaa ka socday banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday duqeynta Caaqil Cumar oo ka dhacday deegaanka Jinacyo ee hoos taga degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.
HBN ONLINE TV