Madaxda sare ee Dalalka Islaammka oo Soomaaliya ku jirto oo shir degdeg ah ku leh Qatar

Magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar ayaa maanta martigelinaysa shir degdeg ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Carabta, kaas oo daba socda weerarkii todobaadkii hore ay Israa’iil ka fulisay magaaladaasi.

Shirka ayaa si wadajir ah looga cambaareyn doonaa weerarkii Israa’iil, iyadoo la filayo in hoggaamiyeyaashu ka qaataan go’aan adag oo ku saabsan tallaabooyinka la qaadi doono haddii weerarro kale oo noocaas ah ay mar kale dhacaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah madaxda ka qeybgalaysa shirka. Soomaaliya ayaa horey u cambaareysay weerarkaas, waxayna muujisay garab istaag buuxa oo ay la jirto dowladda iyo shacabka Qadar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda dowladda Qadar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo dalalka Islaamka ee shirka maanta ka qeybgalaya.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta mowqifka dalalka Islaamka iyo Carabta, iyadoo laga doonayo in la muujiyo hal-jebin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo looga hortago weerarro noocan oo kale ah mustaqbalka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed