Iyadoo awaamiir culus laga soo saaray amniga degmada Beledxaawo, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u shaacisay xilka uu hayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ku sugan gobolka Gedo, kadib markii fariin adag u dirtay ciidamada halkaasi jooga.
Cabdirashiid Janan ayaa si cad loo shaaciyey inuu yahay Taliyaha NISA ee deegaannada Jubaland, waxaana arrintaasi lagu xaqiijiyay fariin lagu baahiyay warbaahinta dowladda, taas oo si toos ah u muujinaysa in masuuliyadda amniga Jubaland dowladda Soomaaliya u igmatay Janan.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada uu hoggaaminayo Janan ay dhowaan ka saareen Beledxaawo ciidamada Jubaland, kadib dagaal todobaadyo socday oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan.
Isagoo la hadlayay ciidamada NISA ee ku sugan degmada Balad-xaawo, Janan ayaa soo saaray awaamiir ku wajahan shacabka iyo ciidamada, waxaana uu ku adkeeyay in la dhowro kala dambeynta iyo sugidda amniga gobolka.
Intii uu jeedinayay fariintiisa, Taliyaha NISA ayaa sidoo kale digniin adag u diray ciidamada gobolka, isagoo ku wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarada la xiriira amniga iyo kala dambeynta.
HBN ONLINE TV