Warar Dheeraad ah: Duqeyn ka dhacday gobolka Sanaag oo lagu dilay Nabadoon caan ah

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in duqeyn culus lagu beegsaday gaari uu saarnaa Nabadoon caan ah, xilli uu marayay deegaanka Jinacyo ee hoos taga degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi iyo nin kale oo aan weli la aqoonsan, kuwaas oo ku safrayay gaariga la weeraray oo marayey inta u dhexeysa Ceelbuh Iyo Badhan.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in laamaha ammaanka Puntland, oo ay ku jiraan qaybaha CID-da ay gaareen degmada Ceelbuh, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaanno ku saabsan dhacdadan.

Sidoo kale, Walaalka caaqilka, Cali Cabdillaahi Cabdi, oo ku sugan goobta duqaynta dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen oo keliya lafihii caaqilka, isla markaana uusan jirin qof kale oo la socday. Wuxuu xusay in marna caaqilku xiriir la yeelan dida uu hadalka u dhigay kooxaha hadda la raadinayo.

Cali Cabdillaahi Cabdi ayaa intaas ku daray in ay hadda sugayaan Puntland si ay uga jawaabto dhacdadan iyo sidii loo xaqiijin lahaa xaqiiqda ku saabsan duqaynta.

Geerida caaqilka ayaa gilgishay bulshada deegaanka, iyadoo dadka deegaanka iyo ehelada ay dalbanayaan in si degdeg ah loo baaro sababta iyo cidda ka dambeysa weerarkan.

Ilaa iyo hadda, ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday cidda ka dambeysay weerarkan, balse duqayntan ayaa lagu tilmaamay inay tahay tii ugu horreysay ee si toos ah uga dhacda dhulka bannaan ee bartamaha gobolka Sanaag.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed