Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya & Tanzaniya oo isku haysta safar ganacsato ku tagtey DRC Congo

Waxaa soo shaac baxay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Safaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ku leedahay dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib safar uu wafdi ganacsato Soomaaliyeed iyo Kenyan ah ku tageen magaalada Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) u qaybsanaha Soomaaliya ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa sheegtay in iyadu ay tahay cidda rasmiga ah ee dalka ku metesha arrimaha dibadda ee DRC, iyadoo muujisay diidmo ay ka qabto safarka uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle. Safaaradda Tanzania ayaa ku eedeysay Safaaradda Nairobi inaysan wax xog ah kala wadaagin safarka iyo ujeedkiisa, taas oo ay ku tilmaantay mid ka hor imanaysa sida hadalka u dhigtay qawaaniinta diblomaasiyadda iyo nidaamka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegtay in wafdiga ganacsatada Soomaaliyeed si diirran loogu soo dhaweeyay Kinshasa, islamarkaana safarku daba socday dadaallo muddo sanad ah socday oo ay safaaradda Nairobi kala shaqeynaysay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo mas’uuliyiinta DRC.

Safaaradda Nairobi ayaa caddeysay in safarku ahaa mid lagu fududeynayo xiriirka ganacsiga, lagu dhiirrigelinayo fursadaha maalgashi, isla markaana lagu xalinaayo caqabadaha horyaalla ganacsatada Soomaaliyeed ee ka howl gala suuqyada DRC.

Safaaradda ayaa sheegtay in ganacsiga Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu baahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda, iyadoo ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC) uu dhiirrigeliyay ballaarinta suuqyada ay ku shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa kulamo kala duwan la yeeshay wasaaradaha DRC, bangiyada, hay’adaha bixiya shatiyada ganacsiga, shirkadaha dhismaha iyo kuwa shidaalka, iyagoo sidoo kale la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka howl gala Congo si loo soo bandhigo sida la tilmaamay caqabadaha heysta iyo xal u helkooda.
Waxaa xusid mudan in Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay hore ugu guuleysatay inay xabsiga ka soo dayso ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo.

Khilaafkaan cusub ee ka dhex qarxay labada safaaradood ayaa loo arkaa mid muujinaya jahawareerka dhanka diblomaasiyadda ee Soomaaliya ka haysta qaabka ay u kala xilsaaran yihiin dalalka qaar, iyadoo arrintaasi su’aalo cusub ka keentay habka loo hagayo danaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku baahsan qaaradda Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed