Wafdi sare oo ka tirsan Ciidanka Masar oo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa gudaha dalka ayaa soo gaba gabeeyay xog aruurin ay wadeen, iyagoo tagey qaar ka mid ah goobaha la geyn doono Ciidanka dalkaasi ee qeybta ka noqon doona Howlgalka Nabad Ilaalinta midowga Afrika AUSSOM ee Soomaaliya.
Xubnaha Saraakiisha waxaa ay booqdeen magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Buurane iyo saldhigga ciidamada cirka ee Balli-doogle, halkaas oo ciidanka Masar ee ku biiraya howlgalka AUSSOM ay ku sugnaan doonaan.
Saraakiisha Masaarada ayaa kormeeray Saldhigyada magaalooyinkaasi, si ay u ogaadaan nolosha ka jirta iyo sida Ciidanka ula qabsan lahaayeen Cimilada iyo dabeecada deegaannada lagu wareegin doono.
Ciidamada ayaa qeyb ka noqon doona howlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda dalka, iyagoo taageeri doono Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo sagootiyay wafdigaasi Masaarida ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka dalkaasi, kaalinta ay ka qaadanayaan dagaalka Alshabaab.
Saraakiisha sare ee Masaarida ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, iyagoo la kulmay Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV