Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qayb galayo shirkii labaad ee Isbeddelka Cimilada ee Afrika, sida ay sheegtay warbaahinta dawlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweysay Wasiirka Dakhliga Itoobiya Ainalem Nigussie.
Safarka Xasan Sheekh uu ku tagay Addis Ababa ayaa ku soo aadayaa iyadoo la filayo in dhowaan Itoobiya si rasmi ah xariga uga jarto Biyo Xireenka Wayn oo ay dhisaysay in ka badan 10 sano.
Lama oga inuu ka qayb gali doono madaxweynaha Soomaaliya furitaanka Biyo Xireenka oo dhismihiisa uu khilaaf balaaran ka dhex galiyay Masar & Suudaan oo dhinac ah iyo Itoobiya, iyadoo Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Masar, isla markaana ciidankeeda dhowaan la shaaciyay inay dalka imaanayaan si ay qayb noqdaan hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.
HBN ONLINE TV