Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo shalay ka qayb galayey xafladda wareejinta nidaamka difaaca hawada ee dalka lagu sameeyay ee loo yaqaan “Steel Dome” (Gaashaanka Birta ah) oo la siiyay ciidanka Turkiga, ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu kor u qaaday heer cusub oo ku saabsan difaaca cirka, iyo mashaariic kale oo ay ku jirto xarunta ugu weyn ee isku dhafka ah ee difaaca cirka ee Yurub.
Ciidanka Turkiga ayaa laggu gudoonsiiyay nidaamka difaaca lakabyada badan ee “Steel Dome” oo ay soo saartay shirkadda Turkiga ah ee Aselsan xaflad lagu qabtay xeradooda ku taala caasimadda Ankara, waxana Erdogan ku tilmaamay maalintaas mid taariikhi ah oo ku saabsan “socodka madaxbannaanida.”
Turkiga, oo ka tirsan isbahaysiga NATO, ayaa markii ugu horraysay soo bandhigay warshadaha qabnilsan soo saarista nidaamka “Steel Dome” bishii July ee sanadkii hore 2024, iyadoo markaasi uu socday dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka waddo marinka Gaza, waxeyna ujeedadu ahayd in la dhiso difaacyo cirka oo la mid ah nidaamka “Iron Dome” ee Israa’iil.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sharaxay in dalkiisu qaaday 3 tallaabo oo xoojinaya awoodda ciidanka isla markaana horumar u keenaya warshadaha difaaca qaranka, tallaabooyinkaasi oo kala ah; Wareejinta nidaamka “Steel Dome” oo ciidanka lagu wareejiyay, Furitaanka 14 xarumood oo shirkadda Aselsan leedahay iyo Dhagax-dhigga saldhigga tignoolajiyada ee loo yaqaan “Ogul B.”
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in saldhigga Ogul B uu matalayo maalgelinta ugu weyn ee hal mar laga sameeyo warshadaha difaaca dalka, oo ah $1.5 bilyan oo shirkadda Aselsan lagu qarash gareeyay, isla markaana ay noqon doonta xarunta ugu weyn ee isku dhafka ah ee difaaca cirka ee Yurub.
Erdogan intaasi ku daray in ay noqon doonto “mid ka mid ah xarumaha difaaca ee tignoolajiyada ugu horumarsan ee gobolka.” Xarunta qaybteedii ugu horraysay ayaa la filayaa inay shaqo bilowdo bartamaha sanadka soo socda ee 2026.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay faahfaahinta nidaamyada Turkiga, isaga oo muujiyay in nidaamka difaaca fog ee “Sabre” oo hadda la soo saarayo uu noqonayo isbeddel taariikhi ah oo ku yimaada difaacyada Turkiga.
Wuxuu intaa ku daray in Turkigu xoojin doono difaacyadiisa dhexe oo ay ku jiraan saddex nidaam oo kuwa loo yaqaan “Hissar” ah, isla markaana nidaamka “Korkut” iyo raadaarrada digniinta hore bixiya ay kaalin indho iyo dhego ah ka ciyaari doonaan furimaha dagaalka.
“Nidaamyada dagaalka elektarooniga ah ee ‘Boho’ iyo ‘Reddit’ oo dhan toddoba ayaa dalkayaga u qaadi doona kaalmo sare oo dhinacan ah,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa tilmaamay in Turkigu ka shaqaynayo sidii nidaamyadiisa difaaca loogu heli lahaa saaxiibo iyo xulafo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in taasi ay sare u qaaddo firfircoonida diblomaasiyadda.
Wuxuu sheegay in waxyaabaha ay soo saaraan warshadaha difaaca Turkiga ee dibada loo dhoofiyay ay dhaaftay ilaa $7 bilyan sanadkii hore.
Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in bishan Augsut ay u leedahay guul dadka Turkiga, maadaama guulo waaweyn oo go’aan leh la gaaray, sida dagaalkii Malaskird, dagaalkii Chaldiran iyo dagaalkii Mohag.”
Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay yareeyay ku tiirsanaanta sahayda qalabka difaaca ee shisheeye, isla markaana wuxuu noqday mid ka mid ah dalalka hormuudka ka ah Suuqyada caalamka ee dhoofiya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan.
HBN ONLINE TV