Duqeyn ciidamada RSF ka geysteen Suudaan oo sababtay dhimashada & dhaawaca ku dhawaad 80 qof oo rayid ah

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa maanta shaaca ka qaaday in 24 qof lagu dilay halka 55 kalena lagu dhaawacay duqeyn madaafiic ah oo Ciidanka Gurmadka Degdegga ee loo yaqaan RSF shalay u gaysteen magaalada Al-Fashir ee galbeedka dalka.

Bayaan ka soo baxay Guddiga Caafimaadka Madaxa Bannaan ayaa lagu yiri “24 qof ayaa la dilay, 55 kalena waa la dhaawacay oo ay ku jiraan 5 dumar ah, sababo la xiriira madaafiicda RSF ee lagu garaacay suuqa dhexe iyo xaafadda Awlad al-Rif ee Al-Fashir Arbacadii.”

Bayaanka ayaa cambaareeyay “xasuuqa ay geysteen Ciidanka Gurmadka Degdegga” iyagoo si ula kac ah ugu duqeeyay magaalada Al-Fashir, caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Dembigan wuxuu ku biirayaa silsilad dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah shacabka aan hubaysnayn ee Al-Fashir ku nool oo muddo ka badan hal sano,ku jira go’doon adag iyo yaraanta cunto, dawo iyo adeegyada aasaasiga ah.”

Bayaanka ayaa sheegay in beegsiga xaafadaha dadka ku badan yihiin ay muujinayso xadgudubyo cad oo ballaaran oo ka dhan ah dhammaan shuruucda caalamiga iyo bani’aadantinimo, kuwaas oo ay RSF kula kacayaan muwaadiniinta diidday inay ka tagaan guryahooda iyo dhulkooda.

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan waxay mas’uuliyadda buuxda dusha ka saartay beesha caalamka, Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, “kuwaas oo waa sida bayaanka lagu yiriye “ ka aamusan oo aan awoodin inay la tacaalaan dambiyadan.”

Waxay ugu baaqeen tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo duqeynta, lagu qaadayo go’doominta Al-Fashir, laguna cadaadinayo RSF inay joojiyaan xasuuqa iyo gaajeysiinta qorsheysan ee ka dhanka ah shacabka aan hubaysnayn ee magaaladaas.”

Illaa iyo xiliigan Ciidanka Gurmadka Degdegga RSF kama jawaabin bayaanka Shabakadda Dhakhaatiirtu soo saareen.

Guddiyada shacabka iyo maamulka maxalliga ah ee Al-Fashir ayaa muddo dheer ku eedeeyay RSF mas’uuliyadda duqeymaha madaafiicda iyo weerarrada soo noqnoqda ee lagu qaadayo magaalada, taas oo go’doonsan tan iyo 10-kii May 2024, inkastoo digniino caalami ah laga bixiyay halista dagaalka magaalada oo ah xarunta hawlgallada bani’aadamnimo ee shanta gobol ee Darfur.

Tan iyo bartamihii Abriil 2023, ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo RSF waxay ku jiraan dagaal horseeday dhimashada in ka badan 20,000 oo qof halka qiyaastii 15 milyan qof la barakiciyay ama ay magan-galyo doon noqdeen, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah. Laakiin daraasad ay diyaariyeen jaamacado Mareykan ah ayaa ku qiyaasaysa dhimashada ilaa 130,000 oo qof.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed