Guddiga Abaaraha Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay soo gaartay gargaar lacageed dhan $700,000 oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada maamulkaasi.
Cabdiraxmaan Ducaad Xoghayaha Guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in lacagtaan ay ku soo wareejisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), isla markaasna ay ku soo dhacday Akoonka Guddiga.
Xoghayaha ayaa tilmaamay in lacagtaasi ay tahay mid muujineysa in walaaltinimo iyo is-caawimaad ka dhexeyso guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, xilli gobollo badan oo Somaliland ah ay wajahaan xaalado adag oo abaarro ah.
“$700,000 ayaa na soo gaartay, waan uga mahadcelineynaa. Markasta dhibaatada ka jirta deegaannada Soomaalida waa ka dhaxeysay in la is walaashado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaad.
Lacagtaasi ayaa lagu wadaa in loogu gurmado qoysaska abaartu saameysay, kuwaas oo biyo la’aan, raashiin yari iyo xaalado caafimaad oo adag wajahaya. Gobollo badan oo Somaliland ah sida Awdal oo xoolo badan ay le’deen, iyadoo ay khatar ku jirto nolosha dadka.