Mucaaradka Soomaaliya oo ka soo horjeestay hesshiikii DFS iyo xubno iyaga ka go’ay

Xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya oo aan qayb ka ahayn is-afgaradkii shalay dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo qaar kamid ah mucaaradka, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay heshiiskaas.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka tirsan madashan mucaaradka ah ayaa waraysi uu siiyay BBC-da waxaa uu heshiiskaas ku tilmaamay aragti u gooni ah xubnaha heshiiska la qaatay madaxweynaha.

Waxaana uu intaasi raaciyay in madashu ay ku dhisan tahay sida uu hadalka u dhigay mabda’ iyo aragti ka ballaadhan intaas, isaga oo ka gaabsaday in uu caddeeyo in Madashii hore ee mucaaradka ay kala qaybsameen iyo in kale, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in khilaafyo aragtiyeed oo soo baxa aanay dhibaato ku noqon doonin hawlaha mucaaradka.

Maalintii shalay ayay afar xubnood oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Mucaaradka is-afgarad la gaareen DFS, heshiiskaas oo ku salaysan mabaadii’da dastuurka ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed