Dowladda Soomaaliyaoo oo gacanta ku dhigtay daroogo fara badan oo la soo galiyey dalka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay markii 2-aad xirmo daroogo ah oo aad u fara badan, taas oo ka koobnayd 48 jawaan, mid kasta uu ku jiray 52 baakadood (box) oo daroogo ah, iyadoo guud ahaan tiradu noqoneyso 2,496 baakadood iyo 6 kartoon oo xaashida lagu xirxiray daroogada.

Daroogadan oo la tilmaamay inay halis ku tahay bad-qabka bulshada ayaa laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu qabtay gudaha garoonka ka hor inta aan la gudbin.

Sida uu sheegay xafiiska, waxaa socda baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo dejinta daroogadan si loo soo qabto loona horkeeno cadaaladda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan soo dejinta ama ka ganacsiga darooga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku celiyey ballanqaadkiisa ku aaddan dagaalka lagula jiro dambiyada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed