Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Maxkamadaha dalka in ay si cad uga hor yimaadeen ka qaybgalka iyo fulinta baarista sanadlaha ah ee xafiisku sameeyo, iyadoo aanay jirin sabab sharci ah ama cudurdaar maangal ah oo ay ku diideen.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in iyadoo hay’ado badan oo Dowladda ka tirsan ay aqbaleen baaritaanka, haddana saddex maxkamadood oo muhiim ah ay si buuxda uga hor yimaadeen:
• Maxkamadda Sare ee Dalka – miisaaniyaddeeda sanadkii hore ahayd $2,715,177
• Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir – miisaaniyaddeedu ahayd $937,179
• Maxkamadda Gobolka Banaadir – miisaaniyaddeeda ahayd $2,110,504
“Diidista iyo iska caabinta fulinta baaritaanada Hantidhowrka ma muujineyso oo kaliya khatar maaliyadeed iyo hanti maamul xumo oo ku qarsoon hay’addaha diiday baarista, balse waxay hubanti la’aan galineysaa hanaanka korjoogteynta iyo hubinta in qoondooyinka miisaaniyadda iyo khayraadka guud ee dowladda ee Hay’adahaasi u adeegsadeen si waxtar u leh dowladda,” ayuu yiri Hantidhowrka Guutaale.
Hantidhowrka ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah oo heer qiimayn khatar ah lagu sameeyay hay’adahaasi lagu ogaaday lacag aan lagu shubin qasnadda dowladda, taas oo lagu helay waraaqo (rasiidyo) lacag qabasho, xukunno dhaqan galay oo la xiriira ganaaxyo, xaraash iyo la wareegid hanti.
Warbixinta xafiiska ayaa muujisay in lacagtaasi gaartay $1,089,998.76, taas oo ay qabteen Maxkamadaha darajooyinka koowaad ee Gobolka Banaadir, balse aan lagu maamulin qasnadda midaysan ee Qaranka.
Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa arrintan ku tilmaamay caqabad weyn oo ku saabsan isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka hantida dadweynaha, isagoo xusay in xafiiskiisu sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo ilaalinta dhaqaalaha qaranka iyo dhaqan gelinta sharciga.
HBN ONLINE TV