Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad adag oo xasaasi ah ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda maamulka Galmudug, isagoo si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doodaha ay qabaan xubnaha mucaaradka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mucaaradka Soomaaliyeed aysan ku mideysneyn sida uu hadalka u dhigay aragti siyaasadeed oo dalka horumar gaarsiin karta, isagoo tusaale u soo qaatay waayihii doorashadii 2022 iyo ballanqaadyadii la sameeyay.
“Mucaaradkii aan ka mid ahaa 2022 iyo kan hadda jira ma laha aragti ay ku mideysan yihiin. Ninkasta si gaar ah ayuu u socdaa, taasina ma keenayso horumar” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo soo jeediyey in loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha jira sida in la dhammeystiro Dastuurka oo awoodda lagu celiyo shacabka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in dalka yeesho xisbiyo siyaasadeed oo ku dhisan aragti cad, si looga gudbo dhaqanka siyaasiga kaligii socda ee aan nidaam laheyn.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyay ballanqaadkiisii hore ee ahaa wax ka beddelka dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, arrin ay mucaaradka qaarkood tabasho weyn ka muujiyeen.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo natiijo la’aan ay ku dhammaadeen illaa 5 kulan oo dhowaan dhexmaray isaga iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Qaranka.
Waxaa muuqata in khudbaddiisu ay jawaab u tahay tabashooyinka iyo dhaliilaha mucaaradka, isla markaana ay xoojinayso mowqifkiisa ku aaddan geeddi-socodka dib-u-habeynta dastuurka iyo siyaasadda dalka.
HBN ONLINE TV