Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay in siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya aysan wax isbeddel ah ku imaan, inkastoo cadaadis uga imaanayo xildhibaano Jamhuuriyiin ah oo ku riixaya Washington inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo la hadlay warbaahinta Semafor isaga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Washington ay “sii wado mowqifkeedii hore ee muddada dheer ee ku saabsan Soomaaliya,” hase yeeshee arrinta Somaliland ay “hoos timaaddo dib u eegis joogto ah.”
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Senator Ted Cruz uu ugu baaqay maamulka Trump inuu aqoonsado Somaliland, isagoo ku tilmaamay dhulkaasi “xulafo istaraatiiji ah” dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda.
Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga yar ee Senet-ka u qaabilsan Afrika ayaa iftiimiyay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland oo ku taalla iridda Gacanka Cadmeed, wuxuuna ku eedeeyay Shiinaha inuu “aargoosi” kaga jawaabayo xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan.
Dhanka kale, Larry André, danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya (2022–2023), ayaa ku baaqay in si taxaddar leh dib loogu eego xaaladda Somaliland, isagoo ka digay in aqoonsi hal-dhinac ah uu khatar ku noqon karo xasilloonida Geeska Afrika.
Baaqiisa ayaa yimid iyadoo sharci-dajiyeyaal Maraykan ah, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, ay ku cadaadinayaan Washington in ay aqoonsato Somaliland.
André wuxuu soo jeediyay saddex ikhtiyaar oo Mareykanka u furan: In xaaladda hadda jirta la sii wado, in xafiis diblomaasiyadeed laga furo Hargeysa iyo in si buuxda loo aqoonsado Somaliland.
Wuxuu si cad uga horyimid ikhtiyaarka saddexaad, isagoo sheegay inuu carqalad gelinayo xiriirka Soomaaliya iyo gobolka. Beddelkeeda, wuxuu ku taliyay in la ballaariyo joogitaanka Mareykanka ee Hargeysa isla markaana Muqdisho iyo Hargeysa dib loogu booriyo wada-hadallo.
André wuxuu ku dooday in maamulka Hargeysa uu caburiyo sida uu hadalka u dhigay taageerayaasha midnimada iyo in Afrika aqoonsiga rasmi ah oo keliya dhaco marka heshiis lala gaaro dowladdii waalidka ahayd iyo oggolaanshaha Midowga Afrika. Wuxuu ku adkeeyay in dood kasta oo ku saabsan Somaliland ay noqoto mid furan, wadatashi ku dhisan, oo aan dhaawac u geysan gobolka.
HBN ONLINE TV