Dagaal ka dhan ah Alshabaab oo looga dhawaaqay Hiiraan

Magaalada Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay yeesheen saraakiil ka socda Xoogga Dalka Soomaaliyeed, howlgalka AUSSOM, iyo mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, kuwaas oo uu ka mid ahaa Cali Jayte Cismaan (ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ciidamada deegaanka/Macawiisleyda), Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, iyo madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Kulankan ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka bilaaban doona qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada AUSSOM iyo Macawiisleyda deegaanka ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan.

Cali Jayte Cismaan, oo kulanka kadib hadlay, ayaa ku adkeystay in Alshabaab aysan sii joogin doonin maalmo badan goobaha ay hadda kaga sugan yihiin Hiiraan, isagoo tilmaamay in abaabulka socda uu yahay mid ka duwan kii hore.

Ka qaybgalka AUSSOM – markii ugu horreysay waxaa si cad loo sheegay in howlgalka Alshabaab lagula dagaallamayo Hiiraan ay si muuqata uga qeyb qaadan doonaan ciidamada midowga Afrika ee AUSSOM, taas oo sare u qaadeysa sida la tilmaamay awoodda ciidan iyo taageerada farsamo.

Kulanka maanta wuxuu daba socdaa shirar hore uga dhacay Jawiil iyo gudaha dowlad-deegaanka Soomaalida, taas oo muujineysa isku xirnaan cusub oo lagu wajahay Alshabaab.

Dagaalka hadda lagu dhawaaqay ayaa barbar socda abaabul ciidan oo dowladda federaalku ka waddo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dhowaan ay lagu soo bandhigay ciidamada dowladda.

Inkasta oo dowladda federaalka iyo maamulka deegaanka ay hadda ku goodiyeen in guluf lagu qabsan doono deegaannada Alshabaab haystaan, haddana kooxda ayaa sanadkan si degdeg ah ugu fiday gobollada Hirshabeelle, iyadoo la wareegtay meelo muhiim ah sida: Maxaas, Aadan Yabaal, Moqokori, Yasooman, Ceelbaraf, iyo Masaajid Cali Gaduud.

Isbeddelka ugu weyn ee muuqda waa in dagaalka hadda uu yeelanayo wajiyo badan oo ciidan oo is garabsanaya: dowladda federaalka, AUSSOM iyo ciidamada deegaanka (Macawiisleyda), taas oo muujinaysa qorshe ka ballaaran kii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed