Puntland oo Guullo ka sheegtay Howlgallo ka dhacay Calmiskaad

Taliska ciidamada Puntland ayaa shaaciyay in ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanayay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in Guutada 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ay la wareegeen deegaannada Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, Ablaaya iyo buuraha Dalfalo, kuwaas oo ururka Daacish u ahaa sida la tilmamaay fadhiisimo istiraatiiji ah.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay godad iyo xarumo ay Daacish u adeegsan jirtay keyd saadka iyo difaacyo, halkaas oo lagu ilaalinjiray haween iyo carruur. Taliska ayaa intaas ku daray in ay weli ku raad joogaan dagaalyahannadii firxadka noqday.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Puntland sheegtay inay gacanta ku dhigtay inta badan buuraha Calmiskaad, halkaas oo dagaal culus uu ka socday tan iyo dhammaadkii sanadkii hore.

Sidoo kale, 9-kii bishan Agoosto, Puntland ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay fuliyeen howlgal kale oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay buuraha Calmiskaad iyo deegaannada ku dhow.

Taliska ciidamada Puntland ayaa xusay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sida hadalka loo dhigay ciribtirka kooxda ee gobolka Bari, isla markaana ciidamada ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo looga gol leeyahay in lagu burburiyo xarumaha iyo kaydadka ay kooxdaasi ku tiirsan tahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed