Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay dambiyo dilal ah oo ay hore uga geysteen magaalada Muqdisho. Ragga la toogtay ayaa kala ahaa Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo loo yaqaanay (Cali & Siyaaf) iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed, oo magaciisa kale ahaa (Nasru-diin & Saabir).
Labadan eedeysane ayaa hore uga soo muuqday Maxkamadda Ciidamada, halkaas oo ay si cad uga qirteen dilal ay fuliyeen magaalada, iyadoo midkood uu dilay nin ganacsade ahaa.
Kiisaskooda ayaa soo maray dhammaan heerarka garsoorka, iyadoo maxkamaddu dhageysatay eedeymaha Xeer Ilaalinta iyo doodaha qareennada difaaca.
Ugu dambeyn, waxaa lagu riday xukun dil toogasho ah, kaas oo saaka si rasmi ah loo fuliyay.
Waxaa xusid mudan in bishan Agoosto oo keliya la fuliyay xukunno dil ah oo gaaraya 10 qof, kuwaas oo dhammaantood lagu helay inay xiriir la lahaayeen ururka Al-Shabaab, isla markaana geystay dilal arxan darro ah oo loo gaystay dad rayid ah, askar iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.
Xog la xariirta Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay shabakad dilalka u qaabilsaneyd Alshabaab
HBN ONLINE TV