Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasi oo uu kulamo albaabadu u xiranyihiin kula yeeshay masuuliyiin sare oo maamulka ah.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo xarig jarka mashaariic ay maalgelinayaan beesha caalamka, kuwaas oo looga gol leeyahay horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana heegan sare la galiyey ciidamada dowladda iyo taliska ciidamada Dhuusamareeb.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalad cakiran oo siyaasadeed, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib burburkii wadahadalladii dhowaan u dhexeeyay Madaxweynaha iyo mucaaridka.
HBN ONLINE TV