Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Danab ay ka fuliyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo goobo gabaadyo u ahaa Alshabaab, halkaas oo ciidamadu ku dileen sida hadalka loo dhigay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.
“Duqeymo cirka ah ayaa lagu dumiyey godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku qarinayeen, iyadoo cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka” ayaa lagu yiri warka DFS.
Sidoo kale, War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xogaha sirdoonka ay muujiyeen in kooxda u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee socda ee loogu magac daray “Duufaanta Aamusan”, kaas oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladdu waxay sheegtay in howlgalkaan uu dhabar jab culus ku noqday sida hadalka loo dhigay kooxda, gaar ahaan kadib guulihii isdaba jooga ahaa ee ciidamada ay ka gaareen deegaannada Sabiid, Caanoole iyo Bariire.
“Howlgalkan waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku xaqiijinayaan amniga shacabka Soomaaliyeed, ayna ku ciribtirayaan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.
Kooxda Alshabaab, oo dagaal hubeysan kula jirtay DFS muddo ka badan 16 sano, ayaa si joogto ah u beegsata ciidamada ammaanka, saraakiisha dowladda iyo shacabka rayidka ah.
HBN ONLINE TV