Maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid tallaabooyin ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo ay sheegeen in lagu abuurayo sida hadalka loo dhigay maamul cusub oo ka hanaqaada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in magaalada Garbahaarey ay ku sugan yihiin shaqaale iyo howl-wadeeno ay DFS u dirtay, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay wadaan abaabul iyo qorshe lagu dhisayo sida hadalka loo dhigay maamul cusub oo aan la aqoonsaneyn.
Sidoo kale, waxaa uu xusay in magaalada lagu dhejinayo boorar iyo calaamado ka tarjumaya maamul cusub oo ay DFS damacsan tahay in ay ka hirgeliso halkaasi, arrintaas oo Jubaland ku tilmaantay faragelin toos ah oo ka dhan ah maamulka sharciyan ka jira gobolka, balse aanay dowladdu aqoonsaneyn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aan weli ka hadlin eedeymahan, inkasta oo horey madaxda sare ee dowladda ay si cad u sheegeen in aysan aqoonsaneyn maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Xiisaddan ayaa qayb ka noqonaysa khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer ka dhexeeyay DFS iyo Jubaland, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo.
HBN ONLINE TV