Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bakool in lagu dilay horjooge sare oo Alshabaab, kadib markii ay beegsadeen fariisimo kooxdu halkaasi ku lahaayeen.
Xubintan la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macalin Xasan, kuna caan ahaa magaca “Magaalabeen” ayaa tilmaamay in lagu beegsaday inta u dhaxaysa Ceel-boon iyo Buurdhuxunle ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Howlgalka waxaa fuliyay ururka 95-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad, iyadoo saraakiisha amniga degmada Waajid ay xaqiijiyeen in ninkan uu ka mid ahaa xubnaha muhiimka ah ee kooxda, islamarkaana uu door weyn ku lahaa sida hadalka loo dhigay abaabulka falalka gobolka kooxdu ka wado
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalada nuucan ah lagu wiiqayo sida ay tilmaameen awoodda Alshabaab ee gobollada dalka.
HBN ONLINE TV