Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Tarabuunka

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada amniga ay howlgal ka dhan ah “hubka sharci-darrada ah iyo xaqiijinta amniga” ka fuliyeen xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, halkaas oo iska hor imaad uu ka dhacay markii ay la kulmeen koox hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, xubno ka tirsan ciidamada amniga, iyo xubnaha oo ay ku tilmaameen “maleeshiyaadkii hubaysnaa”.

“Falkan, oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda, ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa.” ayaa lagu war saxaafadeedka Booliska Soomaaliya.

War-saxaafadeedka booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ugu dambayn xasiliyeen goobta, kana saareen maleeshiyaadkii, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo sida hadalka loo dhigay amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Boolisku ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ku geeriyooday, caafimaadna u rajeeyeen dhaawacyada, iyagoo digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan sida ama taageerta falalka lidka ku ah amniga.

Dagaalka Tarabuunka oo saacado badan qaatay ayaa lagu soo waramay inuu joogsaday, kadib markii sida la tilmaamay in la soo kala dhexgalay dhinacyada dagaallamay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed