Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay isku-dhaca khasaare ba’an dhaliyay ee maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo dad shacabka ah oo hubeysan. Dagaalka ka dhacay Tabaruunka aya sababay khasaare ilaa hadda la xaqiijiyey 5 ruux oo rayid ah iyo tiro intaasi ka badan oo dhaawac ah, iyada oo Tarabuunka ay ka dheceen banaanbaxyo waa weyn.
Madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “ayaan darro ah” oo aan la aqbali karin, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu adeegsanayo sida uu hadalka u dhigay ciidanka xoogga dalka si uu ugu jeesto shacabka uu ku dhaartay ilaalintooda.
Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay dagaalka ka dhacay degmada Hodan, kaas oo lagu dilay dad rayid ah, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya kalsoonida shacabka.Wuxuu uga digay dowladda in cabashada bulshada lagu jawaabo xabbad, isagoo Alle uga baryay Janno dadka dhintay, caafimaadna u rajeeyay dhaawacyada.
“Bulshada birmo-gaydada ah ee maanta ay ciidamada dowladdu ku weerareen degmada Hodon, dadka lagu dhex dilay hoygooda, dhallinyarada, haweenka iyo ilmaha hubka culus loo adeegsaday waa arrin murugo badan oo dhaawacaya kalsoonida shacabka ee dowladda” ayuu yiri Farmaajo.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa isna sheegay in ay tahay “ayaandarro weyn” in ciidanka qaranka ee loogu talagalay difaaca shacabka loo adeegsado, sida uu hadalka u dhigay “laynta shacabka iyo barakicinta dadka danyarta ah”. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu si degdeg ah u joojiyo sida uu warka u dhigay “boobka dhulka danta guud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadka masaakiinta ah”.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay dagaalka ka socda Tarabuunka “musiibo qaran” oo aan la aqbali karin, isaga oo cambaareeyay in shacabka iyo maatada lagu beegsado sida uu hadalka u dhigay hub culus, taas oo uu ku sheegay in ay ka hor imanayso bani’aadantinimada, sharciga, iyo qiyamka Ummadda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV