Jubbaland oo Qiratay Khasaaraha Dagaalkii Beledxaawo ka soo gaaray

Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in saraakiil sare oo ciidan ay ku geeriyoodeen dagaalkii ciidamada Dowladda Federaalka kula galeen degmada Balad Xaawo. Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo shacabka geerida laba sarkaal oo kala ah Gaashaanle Sare Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) iyo Taliye Farxaan Odowaa, kuwaas oo lagu dilay dagaal ka dhacay banaanka kore degmada Beledxaawo.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cambaareeyay in ciidamo Soomaaliyeed loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay dano gaar ah oo wax u dhimaya nidaamka Jubbaland, isagoo sheegay in arrintan ay tahay dhacdo murugo weyn leh isla markaana cid kasta oo ku lug leh ay wajihi doonto xisaabtan buuxa.

Khasaaraha Dhimashada ayaa 4 sarkaal iyo 3 dhaawac labada dhinac, kadib markii DFS ay qiratay in waxyeellada dhankeeda. Xiisadda gobolka ayaa jiitameysa ilaa hadda wax ka badan seddex todobaad oo xiriir ah, iyada ay dhacayaan dagaallo aad u culus.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed