Cabdirashiid Janan oo Kenya ku eedeeyay Faragelin ka socota Gobolka Gedo iyo garabsiinta Jubbaland

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, oo ku sugnaa duleedka magaalada Baladxaawo halkaas oo uu saaka dagaal kula galay ciidamada Jubaland ayaa fariin culus u diray Dowladda Kenya, isagoo ku eedeeyay inay ku lug leedahay sida uu hadalka u dhigay dagaallada ka socda gobolka Gedo.

Janan ayaa soo bandhigay godad dhufeyso ah oo uu sheegay in ciidamada Jubaland ka qoteen deegaan uu saaka kala wareegay, kaas oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu tilmaamay in dhufeysyadaasi lagu sameeyay cagaf uu sheegay in laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay dalka Kenya, inkasta oo aanu soo bandhigin caddeymo maangal ah.

“Dhufeysyadaan waxaa qoday cagaf laga leeyahay Kenya,” ayuu yiri Janan, isaga oo ku eedeeyay Kenya inay taageerayso sida uu carrabaabay kooxo uu ku tilmaamay “burcad dowlad diid ah” oo gudaha Soomaaliya ah, balse ah ciidamada Jubaland. Wuxuu ku baaqay in la joojiyo faragelinta.

Sidoo kale, Janan ayaa sheegay in xadka Kenya loo tallaabay gaadiid calanka Soomaaliya ku buufsan yahay, isagoo dalbaday in dib loogu soo celiyo Dowladda Soomaaliya gaadiid uu sheegay inay leeyihiin booliska iyo milateriga.

““Dowladda Kenya waxaa ka rabnaa Gaadiidka qaranka Soomaaliyeed leeyahay oo calaamadda Booliska iyo Milateriga leh ee lala galay gudahiina” ayuu yiri Janan.

Ilaa iyo hadda Dowladda Kenya kama aysan bixin wax jawaab ah eedeymaha uu jeediyay Cabdirashiid Janan, oo dhowaan loo magacaabay taliyaha sirdoonka ee deegaannada Jubaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed