Beledxaawo: Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay duleedka magaalada BeledXaawo, gaar ahaan tuulada Amiin, kaas oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo labada dhinac soo kala gaaray. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay dagaalka uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland, kaas oo saacadihii lasoo dhaafay ka qeyb qaatay diyaarinta difaacyada deegaanka, inkasta oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin dhanka Jubbaland.

Tuulada Amiin oo dagaalku ka dhacay ayaa ah meel istiraatiiji ah oo ku taalla duleedka BeledXaawo, waxaana marar hore saldhig u ahayd ciidamada Jubbaland, kuwaas oo markii hore laga saaray magaalada balse difaacyo ka sameystay waddooyinka gala.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka, ayna qabteen qaar ka mid ah ciidamada Jubbaland ee la dagaallamayey, isla markaana ay ka saareen difaacyadii ay ku sugnaayeen.

Dhinaca Jubbaland, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay ka soo saareen dagaalkaan, sidoo kalena lama helin ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara tirada saxda ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed