Somaliland oo sheegtay in Rajada aqoonsiga Caalamiga ah soo dhawaatay kadib xusul duub ay ugu jirtay ku dhawaad 35 sano

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in rajada ugu weyn ee muddada dheer laga sugayay — aqoonsiga caalamiga ah — ay hadda marayso heer ay u muuqato mid soo dhow, kadib 35 sano oo ay xusul duub ugu jirtay iyo baadi-goob diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), oo wareysi siiyay raadiyaha afka xukuumadda ku hadla, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay muddadaas dheer muujiyeen adkaysi iyo dulqaad, balse hadda la gaaray sida uu hadalka u dhigay waqtigii ay Somaliland ka mid noqon lahayd dalalka caalamka.

Wasiir Bakaal ayaa ku dooday: “Markii hore annaga [Somaliland] ayaa dunida u baahnayn, iminkase dunidu waxay fahantay inaynu nahay dal muhiim ah oo ay u baahan yihiin Geeska Afrika, Afrika iyo duniduba”, isaga oo ku dooday in aanay jiri karin cid is-hortaagi karta aqoonsigooda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Aqalka Cad iyo guud ahaan Maraykanka ay ka socoto dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland, inkasta oo aanu soo bandhigin caddeymo arrintaas ku saabsan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Somaliland uu dhawaan booqasho ku tagi doono Maraykanka, taas oo ku saabsan xoojinta danaha Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in Baarlamaanka Somaliland uu maalinta berito ah ansixin doono sharciyada lagu dhaqayo safaaradaha iyo safiirrada dibadda ee Somaliland.

Hadalka wasiirka iyo jawaabta madaxweynaha Maraykanka ayaa ka tarjumaya laba muuqaal oo isku mar socda — midka rajo buuxda ee ay xukuumadda Somaliland ka qabto aqoonsiga iyo midka siyaasadda dibadda ee Mareykanka oo wali ka taxadaraya arrimaha ka dhaxeeya Somaliland, Soomaaliya iyo xaalada Bariga Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed