Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Mucaaradka oo soo idlaay iyaga oo aan la shaascin wax natiijo ah

Wareegii afraad ee wadahadalka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Madasha Mucaaradka ayaa ku soo dhammaaday iyada oo aan la gaarin wax heshiis ama natiijo ah, kadib markii ay isku mari waayeen arrimo la xiriirta wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Madaxda mucaaradka ayaa dalbanayay in Cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah dib loo joojiyo ama gabi ahaanba meesha laga saaro, halka Madaxweynaha uu qaatay mowqif ah inuu tanasul ku sameeyo qaar ka mid ah qodobada cutubkaas, balse aanu diyaar u ahayn inuu si buuxda uga laabto dhammaan qodobadii uu wax ka badalay muddo labo sano ah.

Sababtaas ayaa keentay in shirka uu dib u dhaco markii shanaad, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh sida la soo tabiyey uu codsaday in wadahadalku dib loo dhigo ilaa 13-ka bishaan Agoosto oo ku aadan arbacada. Codsiga madaxweynaha ayaa la tilamamay inay aqbaleen xubnaha Mucaaradka.

Sidoo kale, Ilo wareedyo hoose oo warbaahinta madaxa banaan heshay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu codsaday in aan la soo saarin wax war-murtiyeed ah oo ka soo baxa shirka, taas oo sidoo kale madashu ogolaatay.

Kooxda mucaaradka ee Madasha “Samatabixinta Soomaaliyeed” ayaa ku adkeysanaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si buuxda uga laabto wax ka beddelka uu sameeyay dastuurka, halka Madaxweynaha uu ka gows adaygay tanasul buuxa.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed