Su’aalo ayaa isa soo taraya ku saabsan heerka ay marayaan wadahadallada uu wakiilka Madaxweynaha Mareykanka, Steven Witkov, la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo ku saabsan mustaqbalka dagaalka Ukraine, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in wadahadalladu ahaayeen “kuwa aad u miro dhal ah”.
Roland Bejamov oo ah cilmi-baare arrimaha siyaasadeed iyo istiraatiijida ayaa sheegay in horumarka la filayo in uu yahay in la gaaro is-afgaradyo ku saleysan “qodobo uusan Ruushku wax weyn ku weyneynin”, sida oggolaanshaha xabbad-joojin ku meel gaar ah oo u dhaxeysa Moscow iyo Kyiv, iyo xabbad-joojin bani’aadamnimo oo lagu kala beddelanayo maxaabiista iyo maydadka.
Wadahadalladani waxay calaamad u yihiin bilowga qorshe cusub oo lagu wajahayo shuruudaha Ruushka, sida ay sheegtay cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Quincy, Kelly Vlahos, oo tilmaamtay in arrimaha laga hadlayo ay ka mid yihiin xubinnimada Ukraine ee NATO iyo xaaladdeeda dagaal kadib, si aysan ciidamo reer Galbeed ah ama Maraykan ah ugu sugnaanin gudaha dalkaas.
Vlahos waxey ku nuuxnuuxsatay in aan la gaari karin horumar wax ku ool ah ama wadahadallo dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine haddii aan la wajahin labada qodob ee muhiimka ah, maadaama xabbad-joojin aysan suuragal ahayn iyadoon la xallin arrimahaas.
Sida ay sheegtay, labadaas qodob ayaa saldhig u ah in xal laga gaaro dagaalka, balse ma aha xabbad-joojin, cunaqabatayn ama canshuuro, kuwaas oo ay ku tilmaamtay “hannaan difaac oo aan natiijo la taaban karo horseedin.”
Mowqifka Ruushka Xaggee Yaal?
Bejamov wuxuu sheegay in aanay dan u ahayn Moscow in ay joojiso dagaalka Ukraine ilaa ay fuliso shuruudaheeda, AY hesho dammaanad-qaadyo, lagana qaado cunaqabataynta, maadaama ay “guulo ka gaareyso furimaha dagaalka iyo tartanka hubka”.
Wuxuu intaa ku daray in Ruushka uu hadda leeyahay awood milatari oo kusii xoogeysaneysa dhulka Ukraine, taas oo siinaysa fursad uu shuruudo ku keeno, halka Kyiv tahay mid difaac ku jirta oo aan awoodin in miiska ay keento wax shuruudo ah.
Marka la eego xogaha la hayo, Ruushka wuxuu isku dayayaa inuu waqtiga dilo ama uu sameeyo waqti lumin si uu uga faa’iideysto fursadda uu hadda haysto, taasi oo ah gacan sarreynta ciidan ahaan iyo awoodda uu u leeyahay inuu dagaalka ka dhigo mid jiitima muddo dheer oo aysan awoodin Ukraine.
Waqtiga kama dambaysta ah ee Trump
Ruushka wuxuu u muuqdaa mid deggan, iyadoo uu soo dhowaanayo waqtiga kama dambaysta ah ee uu Trump u qabtay inuu ku joojiyo dagaalka Ukraine waqtigaas oo “uusan si dhab ah u qaadin weeraro, sidoo kalena Putin wuu ka aamusan yahay, xilli saraakiisha Ruushka ay muujiyeen dulqaad istiraatiiji ah,” ayuu yiri Bejamov.
Wuxuu xusay in wadahadallada u dhexeeya Washington iyo Moscow ay u badan tahay inay sii socdaan, iyadoo laga hadlayo “iskaashi istiraatiiji ah.” Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Ukraine laga dhimey 200 milyan oo dollar oo hub ah oo ay Mareykanka ka iibsan lahayd, taas oo uu sheegay inaan la barbar dhigi karin xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.
Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in kulankii Witkov ee Ruushka uu “si wanaagsan u dhacay,” isagoo xusay in “Moscow ay xiiseynayso inay sii waddo isfahamka iyo iswaafajinta Mareykanka.”
Bejamov wuxuu sidoo kale sheegay in Trump laga yaabo inuu ka laabto masraxa Yurub si uu diiradda u saaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.Halka “hoggaamiyeyaasha Yurub ee afkaarta adag wata ay isu diyaarinayaan dagaal cusub oo ay la galaan Ruushka sannadka 2030.”
HBN ONLINE TV