Maxakamadda Ciidamada Soomaaliya oo toogatay shabakad dilalka u fuli jirtay Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo horey loogu riday saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Ragga la toogtay ayaa kala ah Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka). Saddexdan nin ayaa lagu caddeeyay inay ka tirsanaayeen shabakadaha dilalka u qaabilsan Alshabaab, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaateen weerarro qorsheysan oo lagu dilay dad rayid iyo saraakiil dowladeed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey u xukuntay in raggan lagu fuliyo xukun toogasho ah, kadib markii ay dhammaatay dhageysiga dacwadooda, iyadoo la xaqiijiyay dambiyada ay galeen.

Fulinta xukunkan ayaa ah farriin adag oo dowladda Soomaaliya u direyso kooxda, iyadoo tan dowladdu ku tilmaantay cadaaladda laga hirgelinayo dalka isla markaana aan laga tanaasuleyn dambiyada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed