Sicir barar ka jira Itoobiya oo saameeyay gobolka Soomaalida

Itoobiya ayaa wajahaysa xaalad dhaqaale oo aad u adag, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha shacabka dalkaas, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada oo Soomaalida ku jirto. Sicir-barar aan horay loo arag ayaa sababay in qiimaha sarifka lacagaha qalaad uu kor u kaco si aan xad lahayn, taas oo ka tarjumeysa dhibaatooyin ballaaran oo ka jira gudaha dalka.

Markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed la doortay sanadkii 2018, halkii doollar Mareykan ah wuxuu ahaa 27.36 Birr, taasoo macnaheedu yahay in $100 lagu helayey 2,736 Birr, hase yeeshee, bishan Agoosto 2025, 1 doollar ayaa lagu helayaa suuqyada Itoobiya 137.14 Birr — taasoo ah koror afar jibaarmay qiimihii todobo sano ka hor.

Sicir-bararka baahsan ayaa laga dareemayaa dhammaan gobollada dalka, balse gobolka Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha si gaar ah ugu nugul. Shacabka deegaankaas ayaa ka dayrinaya kororka qiimaha badeecadaha daruuriga ah iyo yaraanta fursadaha nololeed, iyadoo dhaqaalaha qoysaska intooda badan uu hoos u dhacay.

Dhibaatada waxaa sii xoojiyay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka, gaar ahaan kii gobolka Tigray, kaas oo sababay barakaca boqolaal kun oo qof, isla markaana deymihii badnaa ee dowladda Itoobiya qaadatay cadaadis ku haya dadaallada lagu xakamaynayo sicir-bararka.

Bankiga Dhexe ee Itoobiya ayaa dadaal ugu jira sidii loo xakameyn lahaa hoos u dhaca qiimaha Birr-ta, hase yeeshee dadaalladaasi wali ma aysan keenin isbeddel muuqda oo wax ku ool ah. Dhaqaalaha Itoobiya oo uu horay ugu xirmaa ganacsiga dibadda ayaa wajahaya caqabado dhanka lacagta qalaad ah iyo kharashka sare ee soo dejinta alaabaha.

Xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka Soomaalida ayaa walaac gelisay bulshada, iyadoo dadka deegaanka ay dalbanayaan in la helo gargaar dhaqaale iyo in dowladda Itoobiya ay si gaar ah ugu fiirsato xaalada gobolkan xilligan adag.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed