Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war-saxaafadeed adag ka soo saaray wararka warbaahinta qaarkood ee sheegaya in khasaare culus uu ka soo gaaray ciidamadooda dagaalladii ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. AUSSOM waxay sheegtay in howlgalkooda ay ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
AUSSOM ayaa si cad u beenisay sheegashooyinka kooxda Alshabaab ee la xiriira burburinta gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika iyo in ay dib u gurteen kadib dagaallo culus. Waxay caddeeyeen in ciidamada AUSSOM oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), ay 1-dii bishaan Agoosto bilaabeen weerar milatari oo ballaaran oo lagu beegsanayo kooxda Alshabaab si dib loogu qabsado magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire.
War-saxaafadeedka AUSSOM ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi wadajirka ah uu sababay khasaare culus oo gaaray Alshabaab, iyadoo la dilay in ka badan 50 dagaalyahan, halka tiro kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa yiri “Ciidamada AUSSOM iyo CXDS waxay ka go’an inay dib u qabsadaan magaalada Bariire iyo deegaannada kale ee wali ku jira gacanta Alshabaab, si loo sugo nabad iyo amni waara oo dadka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.”
Wararka laga helayo magaalada Bariire ayaa sheegaya in dagaalku uu sii xoogeysanayo, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay helayaan gurmadyo cusub.
HBN ONLINE TV