Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya la-howlgalayaashooda AUSSOM ayaa sheegay maanta inay fuliyeen howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Alshaabab ee ku sugan deegaanka Bariire iyo daafihiisa ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn ugu guuleysteen sida hadalka loo dhigay jebinta kooxda, isla markaana laga saaray goobo ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen. Dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka ayaa sababay khasaare baaxad leh oo gaaray sida la tilmaamay kooxda, iyadoo howlgallada ay weli ka socdaan qeybo badan oo gobolka ah.
Warka Ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay in si wadajir ah iyaga iyo iyo AUSSOM uga shaqeyeen sidii looga saari lahaa kooxda deegaan kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan, iyadoo la xoojiyay baaritaanada, roondada iyo weerarada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo fariisimadooda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladdu ku dooneyso in lagu sugo amniga gobolka Shabeellaha Hoose iyo in laga ciribtiro kooxda meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka.
HBN ONLINE TV