Cutub ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa xarun dad laga raray oo ku taalla degmada Dayniile ayaa lagu qaaday weerar culus, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah iyo ilo amni. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay Warshaddii hore ee Birta ee degmada Deyniile, halkaas oo dhawaan laga saaray qoysas badan oo ku noolaa, kuwaas oo qaarkood sabool ahaayeen, kuna jireen xaalado nololeed oo liita. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa lagu arkay iyaga oo adeegsanaya gaari-dameero si ay u guuraan.
Goobjoogayaal ku sugan Deyniile ayaa sheegay in dagaalku ku billaawday hub culus oo si xoogan looga maqlayay xaafadaha ku dhow xarunta la weeraray. Dadka deggan agagaarka warshadda ayaa wajahay cabsi iyo argagax xoogan.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay weerarka fuliyeen, balse loo badinayo isla dadka la barakiciyey, iyadoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Ma jiro war kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku saabsan dhacdadan ama jawaabta ay ka bixiyeen weerarka.
Dhacdadan ayaa imaneysa maalin kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay xoog ku saareen qoysas badan oo degganaa xarunta la weeraray, iyagoo aan bixin xal rasmi ah oo ku saabsan dib u dejinta dadkaasi. Tan waa dhacdadii ugu dambeysay silsilado Baracin ah oo boqolaal qoys guryahoodii looga saaray goobo danguud ahaa Muqdisho oo ay ku jiraan Qabuuro la aag bedelay.
HBN ONLINE TV