Wararka ka imanaya Gedo ayaa sheegaya in degmada Beledxaawo haatan degan tahay, iyadoo dadkii ka barakacay ay dib ugu soo laabanayaan guryahoodii, iyada oo dad badan ay u talaabeen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Ciidamada dowladda Federaalka DFS oo Arbacadii todobaadkii hore la wareegay magaalada, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana dib u shaqo bilaabay adeegyada muhiimka ah sida korontada iyo isgaarsiinta, oo tan iyo intii uu socday dagaalkii ay la galeen Ciidamada Jubbaland hawada ka maqnaayeen.
Sidoo kale, Cabdirashiid Janan oo wakiil Dowladda Soomaaliya uga ah gobolka ayaa Beledxaawo ka wada kulamo lagu dardar gelinayo xasiloonida iyo adeegyada dowladda dhexe.
Dhinaca kale, ciidamada Jubbaland ayaa u baxay dhanka Mandheera Kenya, iyadoo laga cabsi qabo inay dib dagaal u soo qaadaan. Ilo madax baanan ayaa sheegay in la dareemayo dhaqdhaqaaq Ciidan oo Jubabaland ay wado, inkasta oo sida iyo qaabka uu yahay aan xog dheeraad ah laga heyn.
HBN ONLINE TV