Xaaladda degmada xuduudda ku taalla ee Beledxaawo ayaa saaka ah mid deggan, kadib shan maalmood oo ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland.
Ciidamada DFS oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ayaa xalay si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta magaalada Beledxaawo. Janan oo horey xilal uga soo qabtay Jubbaland, ayaa sheegay inuu DFS u yahay wakiilka gobolka Gedo.
Dad badan oo deegaanka ah ayaa dagaallada darteed uga barakacay magaalada, Waxaana Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay baaq nabadeed u direen shacabka, iyaga oo dhiirrigeliyey inay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda, maadaama hadda xaaladdu tahay mid xasiloon. Dowladda iyo laamaha ammaanka ee haatan gacanta ku haya degmada ayaa bilaabay hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo dib u dejinta dadka barakacay.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in tiro badan oo ciidamo ah ay ka goosteen Jubbaland, kuna biireen ciidamada DFS, taasoo sababtay in badankood ay si toos ah isu dhiibaan, sahashayna in magaalada la qabto.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta gudaha, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin sababo amni dartood, ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Jubbaland ay ka baxsadeen magaalada Beledxaawo, kuna carareen dhinaca Mandheera ee dhanka Kenya.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdooyinka iyo xaaladda cusub ee Beledxaawo. Sidoo kale, maamulka Jubbaland wali si cad ugama hadlin wararka la xiriira dagaalka iyo la wareegidda magaalada.
Beledxaawo oo ku taalla gobolka Gedo ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxayna dhacdaa xadka Soomaaliya & Kenya, iyada muddo dheer aheyd goob ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo milatari oo u dhaxeysa DFS iyo Jubbaland, taasoo sababatay dhowr jeer dagaal culus iyo barakaca dad rayid ah.
HBN ONLINE TV