Xamsa oo kala hadlay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya howlgalka AUSSOM

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, isaga oo ka mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.

Midowga Afrika ayaa dhawaan soo magacaabay wakiil gaar ah oo ka shaqeyn doona howlaha howlgalka AUSSOM.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed