Soomaaliya oo shaaciyay inay soo iibsatay diyaarado rakaab si dib loogu howlgaliyo Somali Airlines

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta inay iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, si dib loogu soo nooleeyo shirkaddii duulimaadyada qaranka ee Soomaali Airlines, taas oo hawada ka maqneyd muddo 35 sano ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuur oo arintaan ku dhawaaqay sheegay in labada diyaaradood ay bilaabi doonaan duulimaadkooda rasmiga ah muddo labo bilood gudahood ah.

Dib u hawlgelinta Soomaali Airlines ayaa la filayaa inay kor u qaaddo isku xirka duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, dhaqaale u horseeddo dalka, islamarkaana dib u soo celiso astaan qaran oo muhiim ah.

Shirkadda Somali Airlines ayaa joojisay howlaheeda duulimaadkii horaantii 1990-meeyadii, sababo la xiriiray dagaallo sokeeye iyo xasillooni darro. Hase yeeshee, hadda waxay diyaar u tahay inay mar kale hawada ku laabato, taasoo bilow u ah xilli cusub oo horumar leh oo uu galayo dalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed